Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo laga hadlay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeelatay guddigga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagaoo ka wadahadlay ilaalinta xuquuqda Haweenka.

Kulan ayaa intii uu socday waxaa looga dooday sidii looga dhiidhin lahaa xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo sidoo kale in baaritaanno lagu sameeyo xadgudubyada loo geystay haweenka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Guddoomiyaha guddiga xaquul insaanka ee Baaarlamaanka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo kulanka kaddib la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in kulanka maanta ay isla soo hadal qaadeen arrimo badan oo ku saabsan xadgudubyada lagula kaco dumarka iyo in Wasaaradda ay warbixin cad ka soo saarto eedeymihii loo jeediyay ciidanka AMISOM ee ahaa kufsi.

“Waxaan ka wada hadalnay in la dabagalo warbixintii ku saabsaneyd kufsigii lagu eedeeyay ciidanka AMISOM, in arrintaasi baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo, si loo muujiyo doorka xukuumadda uga aadan falalka ka dhanka ah dumarka ee lagu eedeeyay ciidanka AMISOM, si shacabka ay u helaan jawaab waafi ah” ayay tiri Maryan Aweys.

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay qaadan doonto doorka uga aadan eedeymaha ku aadan in ciidanka AMISOM ay haween kufsadeen.

“Waxan balan qaadayaa in aan gacan ka geysto sidii arrintaasi aan u baari lahayn oo aan u soo saarno eedeymaha la sheegayo, waxaana deeq bixiyaasha ka codsaneynaa in askar ku kacday facilada lagu eedeynayo, waxaana rajeynaa in aan si sax ah u soo saarno” ayay tiri Wasiirka Haweenka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka ayaa tiri “Anaga waxaan nahay Ummad Muslim ah, kufsi ma qaadan karno, dumarka Soomaaliyeed ma ogolin in xad gudub lagu sameeyo, waxaan u balan qaadayaa in arrintaas aysan markale dhicin, mana qaadan doono in ay arrintaasi dhacdo”.

Previous Post

Kaalinta Bulshada ee xoojinta Ammaanka Dhageyso

Next Post

Dowladda iyo Ahlusunna oo heshiis KMG ah ku kala saxiixday Guriceel “Akhriso+Dhageyso Qodobada”

Next Post
Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

Dowladda iyo Ahlusunna oo heshiis KMG ah ku kala saxiixday Guriceel "Akhriso+Dhageyso Qodobada"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In