Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Magaalada Kampalada “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 7, 2015
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Magaalada Kampalada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda halkaasi oo guddiyo ka tirsan Baarlamaanka aqoon kororsiyo uga soconayaan.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala kusoo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo horey Uganda u joogay,Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) qunsulka Soomaaliya ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

Ujeeddada ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad u yimaadeen Kampala ayaa ah iney kormeer ku sameeyaan sida ay u socdaan aqoon kororsiyo guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga soconaya dalka Uganda kuwaasi oo ay fududeeyneyso hay’adda AWEPPA, waxaana hada uu tababar u socdaa guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xaasaanadda ee Baarlamaanka.

Tababarka xiga waxa uu u bilaaban doonaa 9ka bishan March Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ayadoo kadibna ay jiri doonaan tababarro kale inta lagu jiro fasaxa Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka waxaana dhammaan tababarran iyo howlahan ay qeyb ka yihiin fududeynta shaqooyinka la doonayo in la qabto Kalfadhiga 6aad.

—-DHAMMAAD—-

DSC_4489

DSC_4492

DSC_4493

DSC_4494

DSC_4496

DSC_4501

DSC_4503

DSC_4522

DSC_4524
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

R.W. Cumar oo kulamo kula qaatay Dhuusamareeb Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka “Sawirro”

Next Post

Kulan Lagu Taageerayay Go’aanki Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Wada hadalkii Istanbuul

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Kulan Lagu Taageerayay Go’aanki Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Wada hadalkii Istanbuul

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In