Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay dalka Masar.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku sii sagootay wasiirro, xildhibaano iyo masโuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Afhayeenka madaxtooyada Daaโuud Aweys ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya lagu casuumay shir looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha oo ka dhicidoona magaalada Sharma-sheekh ee dalkaย Masar.
Wuxuu intaa ku daray in madaxweynahe Xasan Sheekh uu kulamo la qaadan doono madaxda carabta ee ka qeybgaleysa shirka horumarinta dhaqaalaha ee ka furmidoona Masar.