Abu dhabi, March 24, 2015 : Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Fedralka Soomaaliya Mudane Abdisalam Hadliye Omar oo booqasho rasmi ah ku joogey maalmahan Wadanka Imaaraadka , ayaa la kulmay Shalay Dhigiisa Wasiirka Aririmaha Dibadda ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta H.H. Sheekh Abadalla Bin Zayid Al-nahyan.
Kulankaasi oo ka dhacay Caasimadda wadanka isutagga Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ,kulankasi ayaa waxaa goob jog ka ahaa Danjiraha Dawladda Fedralka Soomaliya Ambassadoor Cabdulqaadir Sheekhey Mohamed Al-Xaatimi.
Kulankaasi dhaxmaray Labadda wasiir ayaa looga Hadlay arrimo badan oo ay kamid ka yihiin Xiriika walaal tinimo ee ka dhaxeeya labada dawladood, islamarkaasina wuxuu mahad balaaran u jeediyay dawladda iyo Shacabka Imaaraadka sida walaaltinimada leh oo ay ula garabtaagan yihiin marwalaba Gargaarka Bani aadamnimo ee ay ka wadaan Gudaha wadan, gaar ahaan Gurmadkii ugu danbeeyay oo ay u fidiyeen dadkii ku dhaacmey Qaraxii Central Hotel ee magaaladda Moqdisho Kuwaas oo lagu daweenaayo isiutaaladda Magaaladda Abu Dhabi.
Wasiir Hadliye, ayaa Asagoo ku hadlaayo Magaca Dawladda iyo kan Shacabka Soomaaliyeed ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta H.H. Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Madaxweyne kuxigeenka, Ra’iisul wasaaraha ahna Xaakimka Dubai H.H. Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha sare ee Ciidamada H.H Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, iyo shacabka Walaalaha aan nahay ee Imaaraatka Gargaarka Bani aadanimo oo ay marwalabo la garabtaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed
.Booqasha wasiirka uu ku joogay Imaaraadka Carabta oo qaadatay 4 maalmood ayaa maanta soo idlaatay, waanaaheyd markii ugu horeeysey oo booqsho rasmi ah ku yimaado Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya mudane Abdisalaan Hadliye Cumar tan iyo intii la dhisey Xuumadda Cusub ee uu Hogaamiyo Ra’isulwasaare Cumar Abdirashi Cali Shar Ma’arke.
“Dhamaad”