Kulan kaani oo ay isugu yimaaden odayaal dhaqmeed culuma udiin siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho ujeedka kulankaani ayaa ahaa sidii bulshada Soomaaliyeed ay u taageeri lahaayeen shirarka dib u heshiisiinta ee ka socda gobalada dalka isla markaana laga shaqeeyo midnimada iyo hormarka dalka.
Inta uu kulankaasi socday ayaa dadkii ka hadlay goobta waxa ay sheegeen in qofkasto oo Soomaaliyeed looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo nabada iyo dib udhiska Soomaaliya isla markaana hadda ay dalka ka socdan howlo wanaagsan oo mamulo lagu dhisayo.
kulanka ayaa waxaa ka hadlay ugaas Cabdiraxmaan ugaas khaliif ugaas Rooble oo ah qaban qaabiyaha kulankaas waxaana uu kula dar daarmay waxgaradka culuma udiinka siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in laga qeyb qaato dib ushiisinta iyo xasiloonida si looga gudbo dhibaatooyinkii soo maray dalka.
Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay kulankaasi waxaa ay sheegeen in Soomaaliya ay haatan ka gudubtay dhibaatooyinkii ka dhacay dalka isla markaana ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in loo xoojiyo dib ushiisiinta iyo is dhaxgalka bulshada .
Gobalada Soomaaliya ayaa waxaa haatan kasocda shirar dib uheshiisiin ah iyo dadalo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo si loo dar dar galiyo nidaamka fedraalka oo iminka hirgalintiisa ay ku howlantahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.