Kulankani oo looga hadlayay dhibaatada uu bulshada Soomaaliyeed ku leeyahay Cunista Qaadka ee la Xiriirta Dhinacyada Caafimaadka iyo Dhaqan Dhaqaale ee Dalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo bandhigay kulankaasi 30 haween ah oo ka tanaasulay iibinta qaadka oo shaqo abuur loo sameeyay.
Kulanka oo lagu qabtay dhismaha guriga hooyooyinka ayaa waxa ka qeyb galay ururka haweenka Qaranka iyo Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka.
Hoolka kulanka lagu qabtay ayaa lagu wareejiyay sawirro ka turjumaya dhibaatada weyn ee bulshadeena ku hayo Cunista qaadka taasi oo muujineysa in ay ugu nugul yihiin haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana hal ku dhig looga dhigay qaadku waa daroogo qalbiga bini’aadanka dila.
Abuukar Cawaale Qaad-diid oo kulankaasi ka jeediyay hadal ka ilmeysiiyay guud ahaan dadkii ka qayb galay kulanka ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka dhabta ah ee haweenka Soomaaliyeed ay kala kulmaan ka ganacsiga iyo cunista qaadka.
Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo kulanka ka hadashay ayaa kula dardaarantay haweenka maanta loo furay Barnaamijka shaqo Abuurista ee ka tanaasulay ka ganacsiga qaadka in ay ka faa’ideystaan Barnaamijkaasi.
Agaasimaha waaxda Arrimaha bulshada ee Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka C/casiis Cabdulaahi ayaa tilmaamay in haweenka ay yihiin kuwa dhibaatooyinka ugu badan ay ka soo gaarto Qaadka ismarakaana Xafiiskiisa uu garab taagan yahay Barnaamijyadda dalka ka socda ee bulshada lagu wacyi galinayo.