Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Isboorti Oo Ka Furmay Degmada Howlwadaag

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Tartan Isboorti Oo Ka Furmay Degmada Howlwadaag
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda oo lagu furayay tartan isboorti oo kor loogu qaadayo isdhexgalka Bulshada islamarkaana u dhexeeya kooxo ka kala socda Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadaasi ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne aad u fara badan oo u soo daawasho tagay ciyaartaasi.

Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in la dhex dhigay degmooyinka gobolka Banaadir koob loogu magacdaray Nabad Dhoore oo ay ku tartamayaan ciyaartoy ka kala socota 17-degmo ee gobolka Banaadir.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in tartankani uu kaalin mugleh ka qaadan doono isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo degmadiisu marti galineyso tartankaasi ciyaaraha ah ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in tartan uu ka furmo Howlwadaag.

intaasi kaddib ayaa ciyaartii ugu horeysay ee tartankaasi waxaa lagu furay kooxo ka kala socday degmooyinka Howlwadaag iyo Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi labada koox ay ku soo bandhigeen ciyaar wanaag oo xiisa galisay daawadayaasha ciyaarta, waxaana ay ku soo dhamaatay 7-6 Gool oo ay guushu ku raacday Degmada Waaberi.

Previous Post

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da’ay Beledweyne Saameyna Ku Yeeshay Dadka

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In