Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqol (100)Ruux oo ka mid ah dadka aragga la’ ee ku nool magalaada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta maamulka iyo ardada jaamacadda SIMAD  u qaybiyeen ulaha loogu talo galay dadka aragga la’.

Ardada iyo maamulka jaamacadda SIMAD ayaa waxaa ay u qorsheeyeen sanad walba bishaan oo kale in ay sameeyaan barnaamijyo ay ku caawinayaan bulshada danyarta ah ama ay uga qayb qaadanayaan hormarinta dalka, dadkaan 100 ka gaaraya ee maanta ay u qaybiyeen ulaha ayaa waxaa ay ku noolyihiin xaafadda Buulo xuubey ee degmada Wadajir.

Related posts

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026

Qaar ka mid ah ardada jaamacadda ayaa waxaa ay ka hadleen waxyaabaha ku dhaliyay in ay is xilqaamaan oo ay u soo baxaan in ay gar gaaraan dadkaas.

“Maalintaan waxaa la yiraa public Service Day waxaan ugu talo galnay in aan ka dhigno maalin aan bulshada danyarta ah u adeeegno,sanadkii hore maanta oo kale waxaan nadiifinay wadooyinka magaalada qaar oo aan qashinka ka qaadnay maanta dadka aragga la’ ayaan caawineynaa waana sii wadi doonaa” ayuu yiri mid ka mid ah ardayda.

Ardadan ayaa ugu baaqay dhallinyarada dhigta jaamacadaha kala duwan ee dalka in ay iyaguna fuliyaan howlo lagu caawinayo dadka dan yarta ah , gaar ahaan kuwa naafada ah.
“ Waxaan ugu baaqaynaa ardayda nala midka ah ee dhigata jaamadaha in ay iyaguna caawiyaan walaalahood dhibaateysan, gaar ahaan dadka aan laxaadkoodu dhammeyn”. ayuu yiri arday kale.

11174526_861206563933496_6921870005038602219_o

Dadka aragga naafada ka ah ee loo qaybiyay ulaha ayaa waxaa ay Mahad naq balaaran u jeediyeen bahda SIMAD oo ay ku amaaneen doorkeeda caawinta danyarta waxaana ay ugu baaqeen inta la midka ah in ay ku daysadaan.

Qof ka mid ah dadka la caawiyay ayaa yiri “Waan u Mahad naqeynaa maamulka iyo Ardada SIMAD runtii waxaan dhihi karnaa waxaa ay qaateen door muhiim ah waxaa ay noqonayaan jaamacadii ugu horeysay oo na soo gaarsiisa caawinaad caynkaan ah waxaan leenahay waad mahadsantihiin howshaas sii wada waxaan sidoo kale codsaneynaa in bulshadu Soomaaliyeed ay caawisi qofka wata ushaan”
Jaamacadda SIMAD ayaa sidoo kale ballan qaadday in ay waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah siineyso ardayda dhammeysay dugsiyada sare ee ay dhaleen indhooleyaasha dan yarta ah ee ay maanta siiyeen ulaha, sida uu sheegay agaasimaha xiriirka guud  ee jaamacadda SIMAD Cabdikariin Muxudiin Axmed.

“Howshaan aan maanta qabanay waxaa hormuud ka ahaa ardada jaamacadda waxaan u balan qaadeynaa waalidiinta aragga naafada ka ah hadii ay jiraan caruur ay dhaleen oo dugsiga sare ka soo qalin jabisay waxbarasho bilaasha ah ama lacag la,aan ayaan siineynaa” ayu yiri Cabdikariim Muxudiin.

Jaamacadda  SIMAD waxay ka mid mid tahay Jaamacadaha dalka ee ka sokow waxbarashada, bixiya adeegyo waxtar u leh bulshada.

IMG_1906 IMG_1937 IMG_1960 IMG_2044 IMG_2084 IMG_2129 IMG_2193 IMG_2207 IMG_2264 IMG_2308

Previous Post

R/Wasaare ku xigeenka “waa in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah”

Next Post

Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

Next Post
Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

January 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In