Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa ka digay in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu faafiyo afkaarta shiicadda.
“Muungaab” ayaa xusay ineey jiraan NGO-yo iyagu faahiya afkaarta Shiicadda, wuxuuna ballan qaaday in uu ka hortagi doono kuwaasi tallaabo adagna ka qaadi doono.
“Waxaa cabasho naga Soo Gaartay Culuma udiinka soomaaliyeed iyo bulshada sida dhaqanka waxaa Magaaladda Muqdisho soo gaarayo NGO-yo ku shaqeysanaya In ay Magaalada ku Beeraan fikir qaldan “Dhamaan Umadda Soomaliyeed Waa SUNI Mana aqblaeyno in shiica timaado wadankeena Dhamaan hey.adaha Amaanka Gobolka iyo Gudoomiyaasha degmooyinka,Dhalinyarada Iyo haweenka G/banadir waxaa la farayaa in ay ka Hortagaan soona qabtaan NGO -gii la gu Arko Xamar Aniga ayaa Xukuma Shiicana Ma aqbaleyno waxaan dhib nagu Haya Argagixiso Shiicana Ma rabno” ย ayuu Yiri Gudoomiyaha G/banaadir.
Gudoomiye Muungaab ayaa arrin halis ah ku tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed oo ah sunni hadda lagu dhex faafiyo Shiicanimada, wuxuuna carrabka ku adleyay inuusan u dulqaadan doonin arrintaasi, isagoo digniin culus u diray kuwa la sheegay ineey faafinayaan Shiicanimada.
Dhinaca kale “Muungaab” ayaa ku wargeliyay bulshada Soomaaliyeed ineey ka digtoonaadaan oo aysan ku kedsoomin kuwa faafinaya afkaarta Shiicada, isagoo ku baraarujiyay in Shiicanimadu ay la imaandoonto dhibaato ka daran tan shabaabku ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.