Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Oo Maanta Hortagay Baarlamaanka Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani maanta Baarlamaanka Dalka uu ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, islamarkaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa hortagay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, iyadoo xildhibaannada ay weydiiyeen Su’aallo la xiriira howlaha Bankiga.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa guddoomiyaha Bankiga dhexe Bashiir Ciise Cali weydiiyay Sababaha uu u soo daaho mishaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada Qalabka sida,lacagaha faalsada ah ee dalka ku jirta, sababta loo soo saari la’yahay lacaga shilin Soomaali ah oo dalka yeesho, iyo su’aallo kale.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Guddoomiyaha Bankiga dhexe Bashiir Ciise Cali oo ugu jawaabay su’aallaha xildhibaannada aya weydiiyeen ayaa sheegay sababta mishaaraadka shaqaalaha Dowladda uu u daaho in ay qeyb ka tahay khilaafaadka mararka qaar dhaca, tan lacagaha faalsada ee dolarka ayaa waxa uu ku jawaabay in taasi ay jirto islamarkaana Bankiga dhexe uu qorsheynayo in laga hortago, waxaana cid kasta uu ugu baaqay in arinkaasi ay ka hortagto.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka dalbaday Xukuumadda in ay soo sameyso lacaga shilin Soomaali ah oo uu dalkani yeelanayo.

Dhinaca kale waxaa kulankii maanta lagu dhaariyay laba xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya oo badalaya xildhibaanno horey u geeriyooday oo golaha shacabka ka mid ahaa.

Previous Post

Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed oo kormeeray xero ciidan{SAWIRRO}

Next Post

Gudoomiye ku xigeenka Shabelaha dhexe oo kormeeray xarumo waxbarasho

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka Shabelaha dhexe oo kormeeray xarumo waxbarasho

Gudoomiye ku xigeenka Shabelaha dhexe oo kormeeray xarumo waxbarasho

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In