Wednesday, December 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Oo Maanta Hortagay Baarlamaanka Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani maanta Baarlamaanka Dalka uu ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, islamarkaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa hortagay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, iyadoo xildhibaannada ay weydiiyeen Su’aallo la xiriira howlaha Bankiga.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa guddoomiyaha Bankiga dhexe Bashiir Ciise Cali weydiiyay Sababaha uu u soo daaho mishaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada Qalabka sida,lacagaha faalsada ah ee dalka ku jirta, sababta loo soo saari la’yahay lacaga shilin Soomaali ah oo dalka yeesho, iyo su’aallo kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025

Guddoomiyaha Bankiga dhexe Bashiir Ciise Cali oo ugu jawaabay su’aallaha xildhibaannada aya weydiiyeen ayaa sheegay sababta mishaaraadka shaqaalaha Dowladda uu u daaho in ay qeyb ka tahay khilaafaadka mararka qaar dhaca, tan lacagaha faalsada ee dolarka ayaa waxa uu ku jawaabay in taasi ay jirto islamarkaana Bankiga dhexe uu qorsheynayo in laga hortago, waxaana cid kasta uu ugu baaqay in arinkaasi ay ka hortagto.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka dalbaday Xukuumadda in ay soo sameyso lacaga shilin Soomaali ah oo uu dalkani yeelanayo.

Dhinaca kale waxaa kulankii maanta lagu dhaariyay laba xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya oo badalaya xildhibaanno horey u geeriyooday oo golaha shacabka ka mid ahaa.

Previous Post

Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed oo kormeeray xero ciidan{SAWIRRO}

Next Post

Gudoomiye ku xigeenka Shabelaha dhexe oo kormeeray xarumo waxbarasho

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka Shabelaha dhexe oo kormeeray xarumo waxbarasho

Gudoomiye ku xigeenka Shabelaha dhexe oo kormeeray xarumo waxbarasho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u...

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho...

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

December 9, 2025
0

Wafdi Wasiirro ah oo kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In