Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye: “Si loo horumariyo Warbaahinta Soomaaliya waxaan u fuuleynaa geed dheer iyo geed gaaban” “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maareeye: “Si loo horumariyo Warbaahinta Soomaaliya waxaan u fuuleynaa geed dheer iyo geed gaaban” “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 27 May 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka oo ka yimid Washington oo ay la socdeen saraakiisha Safaaradda Mareynka iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyey Agaasimaha Guud iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horreyntii, Wasiir Maareeye ayaa la kulmay saraakiil ka socday Dowladda Mareykanka oo uu kala hadlayey sidii loo horumarin lahaa Warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan sidii Wasaaradda ay u yeelan laheyd xafiis u qaabilsan baraha bulshada (social media) oo ay Dowladdu yeelato Facebook, Twitter iyo dhammaan baraha internetyada.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay bacdamaa Soomaalidu ay yihiin dad warbaahinta aad u jecel inay Wasaaraddu wado qorsheyaal fara badan oo bulshada lagu wacyigelinayo arrimaha waxbarashada, caafimaadka, horumarka dalka ka socda iyo arrimaha muhiimka u ah bulshada sida horumarka laga sameynayo dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta Federaalka iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin sanadka 2016ka.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr Fabrizio Marcelli. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii Warbaahinta Soomaaliyeed loo horumarin lahaa.

Safiirka ayaa ballanqaaday in Dowladda Talyaaniga ay diyaar u tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ay mashaariic badan la fuliso. Safiirka ayaa ka codsaday Wasiirka in shacabka Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhibaatooyinka Tahriibka.

Wasiirka ayaa ka warbixiyey horumarka wasaaradda ay ka sameyneyso arrimo fara badan oo lagu horumarinayo warbaahinta dalka, sida in sharcigii saxaafadda uu baarlamaanka horyaalo, in guddiga isku xirka iyo xiriirka ay si xowli ah u howlgalaan, in barnaamijyada SNTV iyo radiyo muqdisho la tayeeyey iyo in barnaamijyo fara badan oo wacyigelin ah la fuliyo.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradu ay qorsheyneyso inay fuliso mashaariic dhaqanka Soomaaliyeed lagu weyneynayo, islamarkaasna fannaaniinta Soomaaliyeed iyo gabyaaga loo sameynayo barnaamijyo bulshada soo jiita.

vlcsnap-2015-05-27-20h11m20s22

vlcsnap-2015-05-27-20h12m46s161 vlcsnap-2015-05-27-20h12m01s199 vlcsnap-2015-05-27-20h11m50s97 vlcsnap-2015-05-27-20h11m41s16 vlcsnap-2015-05-27-20h11m29s159 vlcsnap-2015-05-27-20h11m20s22

Previous Post

Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa” “Sawirro”

Next Post

Dood Cilmiyeed ku saabsan difaacashada Buuga Oo maanta Ay qabatay jamacadda  Horseed “Sawirro”

Next Post
Dood Cilmiyeed ku saabsan difaacashada Buuga Oo maanta Ay qabatay jamacadda  Horseed “Sawirro”

Dood Cilmiyeed ku saabsan difaacashada Buuga Oo maanta Ay qabatay jamacadda  Horseed "Sawirro"

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In