Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada Beledweyne oo taageeray qorshaha wasaarada waxbarashada{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 4, 2015
in Wararka
0
Maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada Beledweyne oo taageeray qorshaha wasaarada waxbarashada{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ay ka qeyb-galleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,xildhibaanno, siyaasiyiin, dhallinyarro iyo haween oo maanta laguqabtay magaalada Beledweyne ayaa lagu taageeray qorshaha wasaarrada waxbarashada ee – Gala Imtixaan Mideysan oo Qaran.

Ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali oo ugu horeyn ka hadllay munaasabada ayaa sheegay ayaa soo dhaweeyaya qorshaha wasaarrada waxbarashada ee lagu mideynayo guud
ahaanba waxbarashada dalka, gaar ahaan ka qeyb-gallka Imtixaanmideysan oo Qaran.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

“Horayna waanu u Sheegnay haddana waan ku Celinaynaa, Maamulayaasha, Macalimiinta iyo Waaliddiinta waxaa fareynaa inay qaataan fariinta ka timid Wasaarrada Waxbarashada, muddo 25-sano ah ayaa lagu soo jiray is bar bar yaac waxbarasho, taana waxaa ka marqaati kacaya Ardeydeennii Dibadaha u aaday Deeqaha Waxbarasho oo Dhibaato Xoog leh Kala kulamay dalalkii ay tageen madaama ay wax ku soo barteen manhaj aan mideysneyn, sidda daraadeed wasaarrada waxbarashada waxaan uga mahad celineynaa qorshahan cusub oo ay la timid oo ah mid wax weyn ka tari doona hergalinta waxbarasho tayo leh oo laga dhaxli doono jiil wax ku bartay manhaj mideysan oo Qaran,” ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka ayaa intaa raaciyay in ay Hir-galiyeen Xafiis Arrintan u gaar ah oo durbaba Ardeydu billaabeen in ay isi soo Diiwaan-galiyaan, isagoo Mahad-celin gaar ah u dirray waalidiinta ardeyda is diiwaan-galisay.

”Annaga ka Maamul ahaa Waxaan Diyaarinnay xafiis u gaar ah Diiwaan-galinta Ardayda, waxaa jira Durbaba Arday isi soo Diiwaan-galisay, waan u mahad-celineynaa cid kasta oo Arrintan gacan ka geysatay, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada” ayuu Hadalkiis kusii daray.

Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somalia oo isna ka hadlay Munaasabada ku dheeraaday Qiimaha manhaj mideysan iyo Imtixaan mar keliya loo fariisto oo ay maamuleyso Wasaarrada Waxbarashada Soomaaliya u leedahay Ardeyda Soomaaliyeed.

”Annaga ayaa Garan-karna Qiimaha ay Leedahay Waxbarasho Nidaamsan oo ay Dowladi maamuleyso, inkastoo dadaal dheeraad ah la muujiyay muddadii burburku jiray, Haddana waxbarashada maanta dalka ka jirta waxaa ka muuqada dal-daloolo faro badan, waana tan keentay in hadda arrintaa ay soo fara-galiso wasaarada waxbarashada, runtii wasiir walba Taariikh ayuu ka tagaa, Wasiirka Waxbarashada waxaana uga Mahad-celineynaa sida ay arrintan ugu baraarugtay, Dabcan daladaha Waxbarashada iyo Maamulayaasha Dugsiyada iyo Jaamacadaha waxaan
rajeynayaa in ay qaadan doonaan fariintan ayuu yiri xildhibaan Shuuriye.

Sidoo kale, waxaa hadal kooban ka jeediyay munaasabada agaasimaha waaxda dib-u-hishiisiinta wasaarrada arrimaha gudaha Daahir Warsame Fiidoow oo sheegay in ay ku amaanayaan wasaarrada waxbarashad
taallaabadan ay qaaday.

”Wasiir walba dadkiisa dhaxal ayuu uga tagaan waxaan is leeyahay wasiirka waxbarashada iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Arrintan waxay u noqon doontaa dhaxal danbe loo aayo,” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda dib-u-hishiisiinta Wasaarrada Arrimaha Gudaha.

Dhanka kale, waxaa madasha ka hadashay, Deeqo Maxamed Muuse oo ah Xubin ka Tirsan Ururka Haweenka oo sheegtay inay arrintan mahad gaar ah uga hayaan shaqaalaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu
horeyso Wasiirka iyo Marwada Madaxweynaha oo mashruucan daah-furtay, waxaana ay intaan ku darrtay in qorshahan cusub yahay mid wax weyn ka tari doona tayada aqoota ee ubadka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa isna ka hadlay guddoomiyaha Ururka Dhalinyarrada Gobolka, Max’ed Cabdullaahi Buuraalle Raaxeeye oo sheegay in fariintan Wasaarada Waxbarashada dib ugu Celin doonaan Bulshada, Gaar ahaan
Dadka Waxbarashada u ah Ehelka; Madaama sida uu  hadalka u dhigay ay soo arkeen dhalinyaradu dhibaatada ay leedahay waxbarasho aan mid ahayn.

Ugu danbeyntii, ka Qayb-gallayaasha Munaasabadda ayaa waxaa ay si buuxda u soo wada dhaweeyeen Qorshaha Wasaaradda Waxbarashada Gudaha lagu mideynayo Waxbarashada Dalka.

SDC10012 SDC10020 SDC10024 SDC10025 SDC10027 SDC10029 SDC10032

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujisay Imtixaanka Mideysan

Next Post

Wasiirka cadaaladda oo tababar u soo xiray xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradda “Sawirro”

Next Post
Wasiirka cadaaladda oo tababar u soo xiray xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradda “Sawirro”

Wasiirka cadaaladda oo tababar u soo xiray xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradda "Sawirro"

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In