Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga doodayay sharciga iibka qaranka oo la soo gebagebeeyay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Kulan looga doodayay sharciga iibka qaranka oo la soo gebagebeeyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga doodayey Sharciga iibka Qaranka oo hada horyaala Baralamaanka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay gudiga Maaliyadda ee Barlamaanka, saraakiil ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, iyo Khabiir ka socday Bangiga Aduunka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey ahmiyadda uu sharcigaan u leeyahay dalka iyo sidii xildhibaanda baarlamaanku u dadajin lahaayeen ansixintiisa, sharcigaan ayaa jir-jirey xiligii dowladii Kacaanka, waxaana sharcigaan la doonayaa in la waafajiyo shuruucda caalamka si u noqodo mid la jaanqaada dunida inteeda kale.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Sharcigaan meel marintiisa wuxuu aas aas u noqonayaa in loo gudbiyo Wasaaradaha,Β  hey’daha qaranka iyo gobolada dalka si waxa ay soo gadanayaan iyo wax ay iibinayaan loo waafajiyo sharcigaan.

Wasaarad kasta waxay yeelanaysaa waax qaabilsan iibka qaranka, waxaana waaxdii ugu horaysay laga hirgaliyey Wasaarada Maaliyada.

Gudoomiyaha gudiga Maaliyadda Baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii looga hadlay kulanka, iyo sida ugu haboon oo xildhibaanada baarlamaanku u dadajin lahaayeen meel marinta hindise sharciyeedka iibka qaranka.

“Kulankaan oo laboΒ  maalimood noo socday, waxaan uga doodnay horumarinta iyo dib u eegista hindise sharciyeedka iibka qaranka, qandaraasayada iyo adeega loo qabto dadka, waxaaana u mahad celinayaa dhamaan dadkii ka qaybgalay. Doodii meesha ka socotay waxay ahayd mid miro dhal ah, waxayna u noqonaysaa tusaalooyin la soo qaadan karo marka barlamaanku ka doodayo sharciga iibka qaranka, oo hada horyaala barlamanaka horayna u soo maray akhriskii koowaad.Β  Hindise sharciyeedkaan wuxuu ku salaysan yahay horumarka dalka iyo in aan helno suuq xor ah, wuxuuna wax weyn ka tarayaa la dagaalanka musuq maasuqa” ayuu yiri Xild. Samaan.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay iney muhiim tahay waxkasta oo la kala gadanayo ama la soo iibinayo iney noqdaan kuwo daah furan kana madax banaan waxΒ  isdaba marin, taas oo yareyn karta musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dad weynaha, wuxuuna muhiimad weyn u leeyahay qaranimada Soomaaliya.

????
????

shirkii maanta 3 shirkii maatna 22

Previous Post

Wariye dhaawac ah oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Next Post

Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Next Post
Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In