Kulankan maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galayeen dhamaan agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayay sidii looga wada tashan lahaa diyaarinta warbixinta xuquuqda aadanaha iyadoo kulankan ay soo qaban_qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya
Waa kulan horudhac u ah kulamo joogto noqon doona waxaana ka qeybgalay in kabadan 25 agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda ah waxaana lagu daah furi doono warbixinta xuquuqda aadanaha iyadoo uu noqonayo kii ugu horeeyay ee noociisa ah.
Wasiir key_xigeenka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul ins aanka Muumino Sheekh Cumar oo furtay kulankan wada tashiga ah ayaa sheegtay in ujeedkiisu yahay sidii looga tashan lahaa war bixinta xaquuda aadanaha ee dowladda Soomaaliya looga afdhiyo taasoo ay wasaaardda haweenku diyaarineyso.