Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Buur hakaba oo lagu wareejiyay Booyad

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka degmada Buur hakaba oo lagu wareejiyay Booyad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka dib munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta safaaradda Talyaaniga ay ku leedahay magaaladda Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeybta tababarka ciidamada talyaaniga ee Soomaaliya waxa ay booyad nooca biyaha ah oo loogu talo galay shacabka degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ay ku wareejiyeen maamulka degmadaasi.

Bernardo mencaraglia oo ah madaxa qeybta Talyaaniga ee saraakiisha ururka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in booyadan ay ugu talo galeen in loogu adeego shacabka ku nool degmada Buur hakaba ee gobolka Baay.

Related posts

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026

“Saaka waxaan wareejinay booyadan nooca biyaha lagu qaada ah oo aan ku wareejinay degmada Buur hakaba taa oo daba socota codsigii uu dhawaan uu noo soo jeediyay Mudane Jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya”.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxasnahay in saaka goob joog ahaado  xafladan kooban aan ku wareejinayno booyadan oo aan ugu talo galnay shacabka ku nool degmada Buur-hakaba”. Ayuu yiri sarkaalkan.

Xildhibaan Siidow Cali Abaadir oo ah Mudane Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay deeqdan booyada ah ee maanta lagu wareejiyay isagoo dhinaca kalana sheegay in baahida shacabka degmad Buur-hakaba aysan kaafin karin hal booyad oo kaliya loona baahanyahay kuwo kale oo dheeraad ah.

“Waa degmada ugu tuulooyinka badan waaye waana 398 tuulo booyad hal iyo laba waxba maka taraayaan degmada baahiyaha biyo ee ka jira laakiin waa hadiyad waana uga mahad celineynaa dowladda Talyaaniga ,waa bilow wax badanna waan sugeynaa waana ku faraxsanahay welina wax badan ayaa dhiman’’. Ayuu yiri xildhibaanku.

degmada Buur hakaba iyo deegaanada kale oo hoos yimaada ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka soo yeereysay qaylo dhaan key aadan biyo la’aan ka jirta halkaas.

 

Previous Post

Maalinta dhiig shubista oo Muqdisho laga xusay-Sawirro

Next Post

Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan

Next Post
Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan

Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Sanatarro, iyo masuuliyiin ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda...

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In