Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey socdaal gaaban uu ku tagay Magaalada Kismaayo halkaas uu kulamo kula soo yeeshay Madaxda Maamulka KMG ah ee Jubbaland.
Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in madaxda maamulka jubbaland uu kala soo hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa kalsoonidii Dowladda dhexe kala dhexaysay maamulkaas, madaama uu soo kala dhexgalay Khilaaf ku aadan Go’aan ka qaadashadii Barlamanka Soomaaliya Dhismaha Golaha wakiillada Jubbaland.
“Sida aad la socotaan waxaa jiray xoogaa yar oo buuq ah oo dhalisay Arrimihii Barlamaanka ee muushinkii iyo sida ay u arkeen maamulka jubba, waxaan Arrimahaas kala soo hadalnay madaxda, sidii kalsoonidii dib loogu soo celin lahaa, waxaan ku casuunnay inay halkaan yimaadaan si arrimahaas xalwaara looga gaaro ” Ayuu yiri Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid.