Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay tayaynta umulasad oo Baydhabo lagu qabtay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay sidii umuliso dhaqameedyada xirfadooda kor loogu qaadi lahaa isla markaana ula shaqeyn lahaayeen xarumaha caafimaadka ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka iyo tan dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Faadumo Sheekh Xasan oo kamid aheyd dadkii kulankan soo qaban qaabiyay ayaa sheegtay in hooyada Soomaaliyeed ay dhibaato badan kala kulanto xilliga umusha isla markaana si dhibaatadaasi loo yereeyo ay qasab tahay in la helo umuliso xirfad leh.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

“Ujeedada laga leeyahay waxaa ay tahay isku xirka umuliso dhaqameedyada iyo shaqaalaha caafimaadka si loo horumariyo taranka caafimaadka isla markaana la helo ilomo caafimaad qaba iyo hooyo caafimaad qabta”, ayay tiri Faadumo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Koonfur galbeed Isaaq Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday umuliso dhaqameedyada in ay ku xirnaadaan xarumaha caafimaadka si loo badbaadiyo hooyada Soomaaliyeed.

Sidoo kulanka ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah umuliso dhaqameedyada waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan xarumaha caafimaadka si ay aqoondooda u kororsadaan,ayagoo ku dooday in haweenka qaar ay ka cabsadaan Isbitaalada loona baahan yahay in la wacyigeliyo si ay u ogaadaan faa’idada ku jirta in hooyada foosha haysa ay ku umusho xarun caafimaad oo tayo leh.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay dalalka ugu badan marka ay timaado dhimashada hooyada iyo dhallaanka kaas oo loo aaneeyo la’aanta xarumaha lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha India oo shacabka Soomaaliyeed u hambalyeeyay

Next Post

Islaamku waa diin nabadeed

Next Post
Islaamku waa diin nabadeed

Islaamku waa diin nabadeed

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In