Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Kenya Oo Booqday Maxaabiis Soomaali ah oo Ku Xiran Xabsiga Kamiti ee Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Kenya Oo Booqday Maxaabiis Soomaali ah oo Ku Xiran Xabsiga Kamiti ee Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxaabiistani soomaalida ah oo gaareysa 15 maxbuus,islamarkaana muda u dhaxaysa 5 ilaa 7 sano ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaala gudaha dalkani kenya ayaa waxaa loo haystay falal burcad badeednimo ah, waxaana hada ay dhamaysteen intooda badan mudadii xukun ciqaabeedkoodu ahaa, waxayna hada ku jiraan Xabsiga KIMITI oo ku yaala duleedka magaalada Nairobi,halkaasi oo ay ku sugayaan diyaarinta safaradii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo.

Mas’uuliyiin ka socday safaarada Soomaaliya ee dalkani kenya oo uu kamid ahaa sii-hayaha xilka safiirka Siyaad Maxamud Shire iyo xubno ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan danbiyada ayaa maanta ku booqday maxaabiistan soomaalida ah Xabsigan ay ku jiraan.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Mas’uuliyiinta hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan danbiyada iyo mas’uuliyiinta safaarada soomaalida ee dalkani kenya ayaa ka wada shaqaynayo sidii dib loogu celin lahaa dhalinyadan dalkooda hooyo, looguna fududeyn lahaa sharciyadii ay dib ugu socdaali lahaayeen.

Mas’uuliyiinta safaarada ayaa maxaabistan ka soo qoray magacyadooda si ay ugu fududeyso waraaqihii ay uga bixi lahaayeen dalka Kenya.

Qaar kamid ah maxaabiistan oo la hadlayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay inay dhibaato farabadan la kulmeen mudadadii ay ku jireen xabsiyada kala duwan ee dalkani Kenya,haatana ay aad ugu faraxsanyihiin maadaama dib loogu celinayo dalkoodii hooyo.

IMG_0074 IMG_0075 IMG_0076 IMG_0077 IMG_0078 IMG_0079 IMG_0080 IMG_0081 IMG_0082 IMG_0083 IMG_0084 IMG_0085 IMG_0086 IMG_0087 IMG_0088 IMG_0089 IMG_0090 IMG_0094 IMG_0095 IMG_0097

Abdirahman Omar Abdi ( Abdirahman Somali )
Warbaahinta Qaranka
Nairobi Kenya  

Previous Post

Islaamku waa diin nabadeed

Next Post

Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro

Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In