Iyadoo lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa guddiga afurinta dadka sooman ee danta yare waxaa ay wadeen mashruuc loogu macdaray ( Afuri oo ajar hel) ayaa wajiga koowaad ee qaybinta raashinka afurinta ah ka bilowday qeybo kamida degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Hodan.
Mashruucan afuri oo ajar hel ayaa waxaa ku deeqay dad weynaha soomaaliyeed iyagoo usoo mariyey idaacada Al-Nuur deeqdan oo isugu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Baasto, Timir iyo Saliid ayaa waxaa lagu qeybiyey markizka Ibnu-Baaz fadhigiisu xaruntiisu tahay Degmada Hodan.
Gudomiyaha guddigan Sheekh Cabdifatax Xasan oo ka hadlay goobtaas waxa uu sheegay inay deeqdaani ku deeqeen dadweynaha soomaliyeed waxa ookale oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadatay Haya’ada Horumarinta bulshada iyo Dacwada ee SAFA FOUNDATION, gudoomiyaha guddiga ayaa intaas ku sii daray in kaalmooyin kale ay bixi doonaan maalmaha ciida si looga farxiyo qoysaska soomaliyed ee tabaaleysan.
Ugu dambeyntii Maamulka Degmada Hodan iyo dadweynihii ka faa’ideystay tabarucaadkan ay soo gaarsiiyeen walaalahooda soomaaliyeed ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loo soo gaarsiiyey raashinka una duceeyey dadkii la baxay sadaqadan.