Tuesday, October 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda India  Hon. General (Retd) Vijay Kumar Singh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya .

Wasiir Dr. C/salaam Hadliye Cumar ayaa ka sheekeeyay horumarka uu gaaray xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalka India, kaasoo ku qotama dhinacyo badan .

Related posts

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025

Waxa uu sidoo kale xusay hanaanka iyo isbadalka  siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Soomaaliya ay gaartay sanadihii ugu dambeeyay , isagoo muujiyay in Soomaaliya u baahan tahay kaalin horumarineed oo ka qeyb qaadata dib u dhiska iyo maalgashiga..

Dhankiisa , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India Hon.Gen.(Retd) V.K.Singh wuxuu farxad iyo guul ku tilmaamay booqashadiisa caasimadda Muqdisho , isagoo xusay in dalkiisu ku faanayo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya .

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho , ayna ka qeyb yihiin diblomaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka India u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Mr. Yogeshwar Varma ayaa waxaa  dalka ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Khaalid Cumar Cali.

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961 , mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo  doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.

DSC08290 DSC08292 DSC08293 DSC08298 DSC08302 DSC08304 DSC08307 DSC08309

Previous Post

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India”-Sawirro

Next Post

Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Next Post
Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay...

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS, Mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), Agaasimaha Waaxda Warfaafinta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya....

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
0

Wajiga koowaad ee mashruuc cuno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga bilaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In