Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

wasiir ku xigeenka Maaliyadda; “Maanta laga bilaabo shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogto ayuu noqonayaa”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
wasiir ku xigeenka Maaliyadda; “Maanta laga bilaabo shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogto ayuu noqonayaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Maxamud Xayir Ibraahim iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ayaa booqday Bangiga Dhexe  oo maanta ay ka socotay bixinta mushaaraadkii shaqaalaha dowladda, waxayna kormeer ku soo sameeyeen qaaybaha kala duwan ee Bangiga.

Shaqaalaha dowladda ayaa safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada mushaarka, si ay ula ciidaan qoysaskooda, waxaana dowladu dadaal ugu jirtaa sidii hada kadib shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogta u noqon lahaa.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

“Runtii xanuun weyn ayeey nagu haysay in shaqaalaha dowladu aysan mushaar qaadan 4-tii bilood ee u danbaysay, waana mid aan la qaybsanayno shaqaalaha iyo qoysaskooda. Waxaana arinkaan sababay Miisaaniyadii la qoondeeyey 49% oo laga sugayey dibadda ayaan soo xaroon, waxaana dowladu ku khasbanaatay in loo beekhaamiyo dhaqaalaha  soo xarooda adkaynta amniga iyo tasiilaadka ciidamada kala duwan ee qalabka sida. ayuu yiri Wasiir Xayir oo dhanka kale xusay in dakhliga guduhu kordhay, balse taa macnaheedu maahan in ay dabooli karto baahiya jira.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatada kale oo soo wajahday in mushaaraadka dib u dhacaan ay sabab u tahay Bangiga Aduunka oo kabi jiray mushaaradka in laga soo biloobo bishii March uu dib u dhac ku yimid kadib markii uu dhamaaday heshiiskii halka sano ahaa.

“Nasiib wanaag waxaan ku guulaysanay bishaan bilowgeeda in aan la saxiixano heshiis kale oo 5 sano ah Bangiga Aduunka, kaas oo lagu kabayo musaaraadka shaqaalaha rayidka ah, Dowladdu waxay dadaal u gashay in mushaaradku aysan hada ka dib kal go’ayn, lana bixinayo dhamaan bilihii la soo dhaafay mushaaradka shaqaalaha rayidka ah ka maqan. Waxaana isku dayaynaa in bishaan gudaheeda aan bixino labo bilood oo kala ah March iyo April” ayuu yiri Wasiir Xayir

Uga danbayntii Xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa u mahadceliyey shaqaalaha dowladda adkaysiga ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhabar adeeygeen dhibaatooyinka mushaar la’aaneed ee soo wajahay. wuxuuna sidoo kale sheegay in mushaaraadka ciidamda dhakhso loo bilaabi doono.

bagiga 3 Bangiga 1 bangiga 4 bangiga DSC05424 DSC05429 DSC05439 DSC05443

Previous Post

Madaxweynaha: “Si loo xaqiijiyo Hadafka Horumarka Caalamka, waa inaan isla meel dhignaa qaab sugan oo fakhriga dunida looga ciribtiri karo’

Next Post

Ku simaha Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey geerida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya

Next Post
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade

Ku simaha Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey geerida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In