Xafladan qalan jibinta ah oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday golaha abwaanada Soomaaliyeed, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya, ardeyda, waladiin iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, aydoo ay qalan jibiyeen ku dhawaaad 80 arday oo dhameestay darajada koowaad ee Jaamacadda.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka hadlay madasha ayaa waxay farxadda la qeybsadeen ardeyda dadaalka muda ku jirtay ee dhanka waxbarshada waxayna ku dhiirageliyeen in ay hore u sii wadaan dadaalkooda waxbarshada aysan halkaasi ku ekaanin .
Maxamed Muuse Mataan oo ku hadlayay magaca Jaamacadda iyo macalimiinta ayaa ardeyda dhameeystay Jaamcadda ee fasalka 12C ayaa ugu hambalyeeyay dadaalkooda ay ku jireen mudada dheeraa, waxaana u rajeynayaa inay sii wadaan waxbarashadooda.
Guddoomiyaha golaha abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Singub” ayaa isagoo qiiraysan ardeyda kula dar daaramayay in dadkooda iyo dalkooda ay wax u qabtaan, uuna ku faraxsanyahay ka qeyb galka xafladdan.
Nashaad Bashiir Axmed oo ka mid ahayd ardeydii ka qalin jabisay sanadkan Jaamcada Soomaaliyeed ayaa ka warbaxisay marxaladdii kala duwanaa ee wax ku soo baratay Jaamacadda, iyadoo mahadcelin u jeedisay dadkii kala duwanaa ee gacanta ku siyay waxbarashada.
Qaar ka mid ah ardayda qalin jebineysay ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin ay ku muteysteen anshax wanaag inta ay Jaamacadda dhiganayeen.
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir