Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Warmurtiyeedkii ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamulada Puntland Iyo Jubbaland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoowe, July 19,2015

Horudhac

Related posts

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026

Waxaa booqasho qaadatay 11 ilaa 19 julay 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad Gobaleedka Puntland wufuud ay kala hogaaminayeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, kullan wadatashi oo ay wada qaateen iyaga iyo dawladd gobaleedka Puntland ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda.

  1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Waxay isku raaceen Raysulwasaaraaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana wax-kasta oo la qabanayo ama lasamaynayo loo maro sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

  1. Midnimada Umadda Soomaaliyeed  

Waxay sidookale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee dalka meelna looga soo wada-jeesto cidkasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

  1. Xiriirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah Federaalka

Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

  1. Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed

Waxay ku baaqeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.

-DHAMMAAD-

Akhriso lifaaqa hoose

lifaaqa warka

Previous Post

Munaasabad looga hadlayay wada shaqayn dhexmarta Bulshada iyo Laamaha Amniga oo lagu qabtay muqdisho

Next Post

Ciyaarta ugu horaysa ee dalka Tanzania ka dhecaysa Galabta yaa dheeli doona “SAWIRRO”

Next Post
Ciyaarta ugu horaysa ee dalka  Tanzania ka dhecaysa Galabta yaa dheeli doona “SAWIRRO”

Ciyaarta ugu horaysa ee dalka Tanzania ka dhecaysa Galabta yaa dheeli doona "SAWIRRO"

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In