Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

W. ku xiigeenka Maaliyadda XFS “Kuliyadda Ciidanka Booliska ee degmada Carmo Waa Mid kamid ah Astaamaha Qaranka”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 21, 2015
in Wararka
0
W. ku xiigeenka Maaliyadda XFS “Kuliyadda Ciidanka Booliska ee degmada Carmo Waa Mid kamid ah Astaamaha Qaranka”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xiigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane
Maxamud Xayir Ibraahim iyo gudoomiyaha degmada Carmo mudane Maxamed
Cali Shire ayaa booqday Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska,
Isbitaalka guud ee degmada, iyo gooba kale oo muhiim ah,

Booqashada kadib ayaa Wasiirku  waxa uu sarakiisha xerada ka dhegays
tay warbixin iyo cabashooyin ay qabeen oo ay ka codsadeen wasiirku in
uu ka gaaarsiyo hayadaha ay khusayso waana uu ka aqbalay.

“Kuliyadda Carmo waa mid muhiim u ah dowladda Federaalka ah waana
goobaha ay ku faanto. Sida ku cad  heshiisyadii ay wada galeen dowlada
Federaalka iyo dowlad gabaleedka Puntland waxaa ku xusan in Kuliyada Tababarka
Ciidanka Booliska ee degmada Carmo dib loo howl galiyo, waxaana maanta
ka howlgala Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Saraakiishii
tababarada ku qaatay halkaan” ayuu yiri mudane Xayir

Sida oo kale wasiirka ayaa booqday cisbitaal casriga ah oo dhawaan
laga hirgaliyey  degmada, waxaana u warbixino ka dhagaysatay
Agaasimaha Isbitaalka Dr Yusuf Farole, wuxuuna Wasiirku  soo booqday
dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay cisbitaalka, waxaana isbitaalka
dhismihiisa iska kaashaday Jaaliyadda ka soo jeeda gobolka iyo dadka
degmada Carmo.

Wasiirka ayaa sida oo kale waxa uu galabta la kulmay qayba ka mida ah
dhalinyaradda degmada Carmo waxayna iska xog warays teen xaalada dalka
iyo arigtida guud ee wasiirka. Si kastaba ha ahaatee wasiirka ayaa
maalmahan sii joogi doona deegamada Puntland isagoona booqasho ku
tagaya Degmada Boosaaso oo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo
dhaweynayo.


1
2 3 4 5 6 7 8 9

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
Previous Post

Dhageyso warka habeenimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso: Hees Cusub “Baddeeyduna iib ma aha” iyo Fanaanadda Caashokiin cilmi Xaashi

Next Post
Dhageyso: Hees Cusub “Baddeeyduna iib ma aha” iyo Fanaanadda Caashokiin cilmi Xaashi

Dhageyso: Hees Cusub "Baddeeyduna iib ma aha" iyo Fanaanadda Caashokiin cilmi Xaashi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

July 31, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

July 31, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Guddoomiyaha Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In