Wasiir ku xiigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane
Maxamud Xayir Ibraahim iyo gudoomiyaha degmada Carmo mudane Maxamed
Cali Shire ayaa booqday Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska,
Isbitaalka guud ee degmada, iyo gooba kale oo muhiim ah,
Booqashada kadib ayaa Wasiirkuย waxa uu sarakiisha xerada ka dhegays
tay warbixin iyo cabashooyin ay qabeen oo ay ka codsadeen wasiirku in
uu ka gaaarsiyo hayadaha ay khusayso waana uu ka aqbalay.
โKuliyadda Carmo waa mid muhiim u ah dowladda Federaalka ah waana
goobaha ay ku faanto. Sida ku cad ย heshiisyadii ay wada galeen dowlada
Federaalka iyo dowlad gabaleedka Puntland waxaa ku xusan in Kuliyada Tababarka
Ciidanka Booliska ee degmada Carmo dib loo howl galiyo, waxaana maanta
ka howlgala Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Saraakiishii
tababarada ku qaatay halkaanโ ayuu yiri mudane Xayir
Sida oo kaleย wasiirka ayaa booqday cisbitaal casriga ah oo dhawaan
laga hirgaliyeyย degmada, waxaana u warbixino ka dhagaysatay
Agaasimaha Isbitaalka Dr Yusuf Farole, wuxuuna Wasiirkuย soo booqday
dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay cisbitaalka, waxaana isbitaalka
dhismihiisa iska kaashaday Jaaliyadda ka soo jeeda gobolka iyo dadka
degmada Carmo.
Wasiirka ayaa sida oo kale waxa uu galabta la kulmay qayba ka mida ah
dhalinyaradda degmada Carmo waxayna iska xog warays teen xaalada dalka
iyo arigtida guud ee wasiirka. Si kastaba ha ahaatee wasiirka ayaa
maalmahan sii joogi doona deegamada Puntland isagoona booqasho ku
tagaya Degmada Boosaaso oo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo
dhaweynayo.