Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyay Guulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ay Soo Hooyeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdiraslam Ahmed Caato, oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu ugu hambalyeynayo Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM guusha ay ka gaareen howlgalada ka socda saddexda qeyb ee kala ah Jubbooyinka, Gedo, gobollada Dhexe iyo Bakool, iyo Bay,  islamarkaana ay sii socon doonaan, si ilaa dhammaadka sanadkani Argagaxisada looga sifeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Afhayeenka ayaa yiri, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxa uu  ugu baaqayaa dhammaan hey’adaha gargaarka ee Caalamka in ay si deg deg ah uga jawaabaan baahida ku aaddan in  loo gurmado dadka deegaannada laga xorreeyey Al-Shabaab, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay dadaal ku bixin doonto in dadkaasi loo gargaaro, maadaama deegaannadaasi ay muddo ka jirtay dhibaato bini’aadannimo”.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Dhinaca kale  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir ku yeeshay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa maanta  soo dhoweeyey qabshada degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo deegaannada kale ee ay hadda ka socdaan howllada.

Golaha wasiirrada Xukuuamdda Soomaaliya, ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka Maalgashiga Ajaanibta ee Soomaaliya, kaas oo goor dhow  loo gudbin doono Barlamaanka Federaalka Soomaaliya,

Iyadoo shirka ay warbixinnada amniga dalka keeneen wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxaana shacbiga Soomaaliyeed loogu baaqay in ay taageeraan ciidamamda Qaranka ee xiligan ku howlan la dagaallanka cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya “Sawirro”

Next Post

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Next Post
Nicholas Kay oo soo dhoweeyay sii deynta badmaaxiin afduub loo haystay muddo 4 sano ah

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In