Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in shir Calami ah lagu qaban doono Dhawaan Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke oo shirkan jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta shirka caalami ah oo looga hadli doono dhameystirka Arrimaha Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, kaas oo 29-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho, Waxa uu intaa raaciyey  in weerarrada Argagixisada ay ka geysteen Magaalada Muqdisho in aanan loo baajin doonin horumarka iyo Hore socodka Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa yiri

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026

“Falalka noocaan ee lala beegsanayo hotellada iyo xarumaha Ganacsiga ay yihiin kuwa lagu joojinayo horumarka dalka, waxaana Tacsi u dirayaa dhammaan dadkii wax  ku noqday Qaraxii shalay ay argagixisada ka geysteen hotelka Jazeera ee  Magaalada Muqdisho”

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa digniin culus u diray kuwa ka dambeeya weerarrada argagixiso, waxa uu intaa raaciyey  in argagixisad aysan ka carari Karin Awoodda Ciidamadda.

“dhawaan  gacanta nabad-diidka laga saarayaa magaalooyin cusub, maadaama ay socdaan howlgallo baaxad leh, waxaana ugu dambeyntii ugu baaqayaa dhalinyarada ay nabad-diidku qaldeen in weli ay ka soo laaban karaan fikirka lagu marin-habaabiyey”. Ayuu markale Yiri Raiisulwasaare Cumar Cabdirashiid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysay in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan shirar caalami ah,  waxaana ay weli dowladdu isu diyaarineysaa sidii ay u martigelin lahayd shirka looga Arrinsanayo qorshaha Dowladda Federaalka mudadan  u hartay ay qaban doonto, kuwaas oo ay argagixisadu damcayaan in ay is hortaagaan iyagoo adeegsanaya weerarro argagixiso.

Previous Post

Wasaaradda Maliyadda oo shaacisay in la dhimayo Muushaaraadka Shaqaalaha Dowladda

Next Post

Mas’uuliyinta NUSOJ oo ka qeybgashay Aaska labo Weriye oo Muqdisho ku geeriyootay

Next Post
Mas’uuliyinta NUSOJ oo ka qeybgashay Aaska labo Weriye oo Muqdisho ku geeriyootay

Mas'uuliyinta NUSOJ oo ka qeybgashay Aaska labo Weriye oo Muqdisho ku geeriyootay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In