Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Hiigsiga oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirkii Hiigsiga oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka heerka wasiir ee caalamiga ah oo 29 kii bishaan ka furmay magaalada muqdisho ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho,  iyadoo gaba gabada shirka ay ka soo baxeen qodobo  fara badan oo la ‘isku raacay inay gogol xaar u noqon doonaan hiigsiga sanadka 2016 ka iyo ka faa’iideysiga New Dealka.

Shirka ayaa waxyaabihii la isla af gartay inay lagama maarmaan u yihiin gaarista 2016 oo ka kooban ku dhawaad 40 qodob  waxaa goobta ka akhriyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye Cumar.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la taageero maamul goboleedka Galmudug iyo Golaheeda Baarlamaanka, dib u dhiska hay’adaha dowlada iyo dar dar gelinta gudiga doorashooyinka dalka.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa kale oo ka mid ahaa guddiga doorashada arrimaha horyaala, dhameystirka federaalka, dardargelinta wasaaradaha dowlada howlaha ay u xilsaaranyihiin, Kabista iyo horumarinta waxyaabaha qabsoomay iyo dib u habeynta Garsoorka,

Dib u eegista dastuurka, iyadoo loo marayo hab sharciyeysan oo federal ah loona wada dhanyahay,hogaanka Soomaaliyeed iyo golaha sharci dejinta si loo gaaro qorsha mideysan oo doorasho sanadka 2016 ah, taasi oo hor seedeysa horumar,

Waxaa aad loo amaanay dagaalka ka dhanka argagaxisada ee ay wadaan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo amisom iyadoo la dardar gelin doono qorshaha wada jirka ah ee lagu ciribtirayo cadowga iyadoo la rajeynayo howlgaladaasi ay wehliyaan gargaar bani’aadanimo,dhowrista xuquuqda aadanaha,iyo ilaalinta sharciga,

Waxaa la isla gartay inay talaabo muhiim ah tahay dardar gelinta dhaqaalaha iyo kaalmada caalamiga ah iyadoo la marsiinayo bangiga dhexe ee Soomaaliya,lana tixraacayo sharciga 1989kii,kabista dhaqaalaha, dowlad wanaaga, iyo maamul baahinta,

Qorshaha dib u eegsita, waxayaabihii qabsoomay ayaa la isla gartay inay ka soo hoydeen guulo wax ku ool ah iyadoo la garwaaqsaday in la sii horumariyo,Waxaa la isla gartay in ahmiyad gaar ah lagu eego qaxootiga Soomaaliyeed ee Yeman kasoo qaxay taasi oo ah inay helaan dib u dejin iyo hooy dadka imaanaya,

Waxaa la isla agrtay in Somalia aysan duruuftu saameyn in  1 qof iyo hal cod loo dareero bedelkeedana ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka balaaran tii hore u soo martay wadanka waxaanan jiri doonin mudo kordhin marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka ah waqtigeeda sanadka 2016.

Madaxweynaha dalka mudanae Xasan shiiiq Maxamuud, Ra’isul wasaaraha Somalia Mudane Omar Abdirashiid Ali wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay ayaa si wada jir ah jir jiraa’id u wada qabtay, iyagoo bogaadiyay qodobadi ka soo baxay shirka, waxaana si isku mid ah ay u sheegeen in dalka Doorasho hal cod iyo hal qof aysan ka dhici Karin laakiin taasi badalkeeda ay dhici doonto mid ka balaaran tii 2012-ki ka dhacday Muqdisho, waxaana mas’uuliyiinta ay bogaadiyeen horumarka Dowladda Ay Ku Tilaabsatay.

 

Previous Post

Arday Dhiira galin Loogu Sameeyay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In