Kooxda Al-Shabaab ee argagixisada ah, waxay mar kale fulisay weerarradii ay ku bartilmaameedsan jirtay goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah, waxay qarxiyeen Hoteel Jazeera oo ay ku dhintaa dad ka badan 10 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka ay wax gaareen waxaa ku jiray shacab degganaa hoteelka iyo qaar waddada marayay. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo ay ku faaneen, kuna sifeeyeen mid ay ku aargoosanayaan.
Dhowr weerar oo noocaan ah ayay kooxdu horay uga fulisay dalka, qaarkood waxay la begsatay goobo waxbarasho, Hoteello horay ayay u weerartay, ayadoo qaraxyo ka geysatay masaajid ay dad ku tukanayeen.
Dhammaan ficilladaas ay gummaaday shacabka Soomaaliyeed, ayay kooxdu ku faantaa, ayadoo waliba la xiriirisa diinta Islaamka, waayo kooxdan waxay ku andacootaa in ficilladoodu ay yihiin JIhaad.
Haddaba, maxay diinta Islaamku ka qabtaa in la laayo dad aan waxba galabsan, in la bartilmaameedsado goobaga ganacsiga ama ay shacabku isugu imaanayaanse maxay diintu ka qabtaa?
Barnaamijkeena Tubta Toosan ee toddobaadkaan ayay uga hadalnay, waxaana marti noogu ahaa sheekh Muuse Macalin Cagaweyne, qeybtan hoose ka dhagayso.