Kulan looga hadlaayay Xiriir wada shaqayn oo dhex marta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Vaal University of Technology VUT ee wadanka Koofur Africa ayaa lagu Magaalada Muqdisho kaas oo ay ka qaybgashay Wasiirka Waxbarashada ee Somalia.
Kulankan oo ahaa mid ay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Mas’uuliyiinteeda ay ku marti qaadeen Mas’uuliyiin ka socotay Jamaacadda VUT Universty oo fadhigeedu yahay wadanka Koofur Africa, Waxaana kulanka ka soo qaybgalay wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Somalia.
Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii labada Jaamacadood ay isaga Kaashan lahaayeen Horumarinta Waxbarashada gaar ahaan Kuliyadaha ay Jamacadaasi bixiyaan.
Gudoomiyaha Jamacadda Umadda Soomaaliyeed prof Maxamad Axmad Jimcaale ayaa ugu horayn sheegay in labada Jaamacadooda ay yeelan doonaan Xiriir iyo wada shaqayn joogta ah.
Isagoo si gaar ah uga Codsaday Mas’uuliyiinta Jaamacadda VUT in Jaamacadda Umadda ay gacan ka siiyaan qaar ka mid ah Kuliyadaha ay bixiso jaamacadda maadaama Jaamacaddu muddo dhawr iyo labaatan sano kadib ay dib u hawl gashay.
Gudoomiye Ku xigeenka JaamacaddaVUT prof. KP Dzvimbo ayaa isaguna dhankiisa sheegay in Jaamacadda VUT Koofur Africa ay gacan siin doonto Jaamacadda Umadda islmarkaana ay labada Jaamacadood iska kaashan doonaan wax yaabo badan.
Ugu dambayn wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare Qadar Bashiir Cali ayaa tilmaantay in muhiimad weyne ay u leedahay wada shaqaynta iyo Xiriirka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadan VUT ee Koofur Africa.