Kaddib kulan ay wada yeeshay wasiirka Arrimaha dibadda iyo xariirka Caalamiga ah ee Wadanka Koofur Sudan Dr Barnaba Marial Benjamin iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee wadankaas ayaa si aad ah loo ammanay doorka wanaagsan ay ganacsatada Soomaaliyeed ka qaateen horumarka dhaqaalaha dalkaas.
Kulanka ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u matalayay Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee wadanka koofur Sudan Mudane Maxamed Cismaan Maxamed iyo Xog-hayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Shaafici Nuur Faarax, Waxaana intii uu kulanku Socday la is la meel dhigay in la xoojiyo xariirka labada dal iyo in la gacansiiyo Gancasatada Soomaaliyeed.
Markii uu kulan soo gab-gaboobay ayaa Saxaafadda waxaa la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xariirka Caalamiga ah ee wadanka Koofur Sudan Dr Barnaba Marial Benjamin isagoo sheegay in dowladda iyo Shacabka Koofur Sudan kallsooni weyn ku qabaan ganacasatada Soomaaliyeed ayna ka taageeri doonaan waxii ay xagga dowladda ugu soo baahdaan.
Dalka Koofur Sudaan ayaa waxaa ku nool gacansato Aad u farabadan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo Kaalinta Koowaad kaga jira maalgashiga wadankaasi .