Mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda uga doodi doona sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo maraya heerkiisii gabagabada iyadoo xildhibaannada ay dhiiban doonaan fikirka ay ka qabaan meelmarinta Sharcigaan Isgaarsiinta Qaranka.
Hab-dhowraha baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka ee maanta la dhagaysan doono fikirka Xildhibaanno aanay ka hadlin waxa ay la tahay meelmarinta hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka.
“Maanta waxaa fursad la siin doonaa Xildhibaannadii aanay horay u dhiiban fikirkooda ku aadan Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka” ayuu yiri Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka oo ka hadlayay doodii hore ee Barlamaanka Soomaaliya halkii ay ku dhamaatay ayaa yiri.
“Wali waxaa dhiman Dooda xildhibaanno haray kuwaas oo sida aan kuu Sheegay maanta hadlaya, kaddib Guddiga Warfaafinta waxa uu soo Uruurin doonaa afkaaraha Mudaneyaasha baarlamaanka, isagoo maridoona sharcigaan Akhrinta Saddaxaad baarlamaanku ama Waa meelmarinaa sharigaan ama Waa ka soo horjeesahaa”
Mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaas kaddib guda galaya Shaqadooda kale oo ah in manta loo qaybiyo Nuqullo ka mid ah dib u eegista Miisaaniyadda dalka .