Thursday, December 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Admiral Faarax Qare: Biyaha Xeebta Liido waa la wasaqeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Admiral Faarax Qare: Biyaha Xeebta Liido waa la wasaqeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daarasad ay sameysay hay’adda cilmi barista Badaha ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in xeebaha magaalooyinka ay saameyn ku yeeshaan wasaqda lagu shubo, taas oo dhalin karta in xeebaha ay dadku ku dabaashaan ay wasaqoobaan.

Guddoomiyaha hay’addan Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in carrada laga qodayo xeebaha Muqdisho, bullaacadaha iyo waliba dadka badan ee ku dabaalanaya xeebta Liido ay dhalinayso in biyaha xeebtu ay dhibaato caafimaad u geystaan dadka shacabka ah, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay hay’adu sameysay dhowr jeer.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Dallada Culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Dallada Culimada Soomaaliyeed

December 4, 2025
Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

December 4, 2025

“Waxaan qaadanay go’aan ah inaan baarno biyaha xeebta iyo carrada, waxaan ka baarnay afar meelood, meesha koowaad waxay ahayd Kawaanka bari ee xoolaha lagu qalo oo dhiiggu badda ku socdo, Liido oo ay Xamar inta deggan ku dabaalato jimcadii, Aw-Aweyska oo Xamar Weyne ah iyo Dekadda Muqdisho” ayuu yiri Faarax Qare.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaaday in biyaha xeebahani ay dadka dhibaato dhinaca caafimaadka ah u geysan karaan bulshada, maadaama aad loo wasaqeeyay.

“Laba jeerbaan sameynay, natiijaduna waxay noqotay in biyahaasi aysan ahayn sidii la rabay oo ay joogaan heer ay noolaha dhibaato u geystaan, markii ay natiijadaasi soo baxday ayaan jecleysanay inay nala wadaagaan hay’adaha ku shaqada leh arrintaas iyo culimada ku shaqada leh cilmigan” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya.

Daraasaddan oo shalay lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaqda ay maraakiibta shisheeye ku daadiyaan xeebaha waddanka ay dhibaato kale ku wayso waddanka. Waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo aqoonyahanno ka socday jaamacaha dalka qaarkood.

Previous Post

DEGDEG: Horjoogeyaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo Hiiraan lagu dilay

Next Post

Muqdisho: Carruur aragga la’ oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Next Post
Muqdisho: Carruur aragga la’ oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Muqdisho: Carruur aragga la' oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Dallada Culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Dallada Culimada Soomaaliyeed

December 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Dalladda Culimada Soomaaliyeed...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

December 4, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

December 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah dhanka aaladda Zoomka kula yeeshay deeq-bixiyayaal ka...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

December 4, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In