Wednesday, September 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Booliska iyo maamulka G/Banaadir oo kala saxiixday heshiis la xiriira daryeelka caruurta “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 24, 2015
in Wararka
0
Taliska ciidanka Booliska iyo maamulka G/Banaadir oo kala saxiixday heshiis la xiriira daryeelka caruurta “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka, oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayay daryeelka caruurta SDoomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa dib jirka ah.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda cadaaladda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir kaasoo ku saabsan daryeelka iyo xanaanada caruurta agoonta ah eek u tabaaleeysan magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

September 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

September 2, 2025

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa R/wasaarare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka amniga gudaha, wasiirka haweenka iyo xuquul insaanka Sahro Maxamed Cali Smaatar, ku simaha wasiirka Cadaalada Fahmo Axmed Nuur iyo mudanyaal ka tirsa baarlamanka.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho  Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”ayaa sheegay in maamulkiisu gacan weyn ka geeysan doono daryeelka caruurta ku tabaaleeysan Muqdisho isagoo intaa ku daray iney ciidanka Asluubta kala shaqeyndoonaan xanaaneeynta caruurtaasi.

Taliyaha  Ciidanka ASluubta Somaaliyeed  sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa  faahfahin ka baxiyay dadaalka uu ugu jiro dib usoo nooleeynta howlihii ciidanka asluubta Soomaaliyeed gaar ahaan daryeelka caruurta agoonta ah iyo dhaqan celinta kuwa dibjirka ah, isagoo hoosta ka xariiqay iney dib u furayaan xarumihii lagu xanaaneeyn jiray caruurta.

R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib  ayaa  ka hadlay ahmiyada ay leedahay daryeelka caruurta ogaanta ah,  isgoo ugu bogaadiyay taliska ciidanka asluubta iyo  maamulka gobalka banaadir howsha ay isaga kaashanayaan daryeelka caruurta Soomaaliyeed.

Heshiiskan dhexmaray maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Asluubta ahaa qeexaya in labadaasi dhinac iska kaashadaan daryeelka caruurta agoonta ah ee dhibaateysan gudaha dalka.

carte unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3)

 

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Bandhigyadii Tayo Dhawrka ee Wasaaradda Ganacsiga oo dib u dhac ku yimid

Next Post

Bandhigyadii Tayo Dhawrka ee Wasaaradda Ganacsiga oo dib u dhac ku yimid

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

September 2, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

September 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay...

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo furay kulanka Guddiga Joogtada

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo furay kulanka Guddiga Joogtada

September 2, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka koowaad ee kalfadhiga toddobaad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare

September 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye, Xoghayaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In