Tababar lagu baranayay yareynta faqriga iyo koboca dhaqaalaha dalka ayaa maanta lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.
Tabaarkani oo socday mudo shan maalin ah ayaa loo qabtay shaqaale ka kala socday wasaaradaha qorsheynta, kaluumaysiga iyo Bankiga hormarinta iyo dib u dhiska Somaaliya.
Siminaarka oo uu soo qaban qaabiyay Bankiga horumarinta iyo dib u dhiska Somaaliya ayaa waxaa maalgalinayay Bankiga Hormarinta Islaamka OIC .isla markaana soo marsiiyay simanaarkani in ay baxiyaan Hay’adda Tababarka cilmi baarista dhaqalaha iyo bulshada ee wadamada islaamnka SISRIC ee xaruntiisa tahay dalka tukiga .
Agaasimaha Bankiga hormarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya Mudane Cabdi Nuur Gaas ayaa sheegay in bankiga uu ku howlan yahay sidii loo horumarin lahaa dalka sida wax soo saarka iyo dib u dhiska.
“tabarkani oo socday muddo Afar maalin ah ayaa ku saabsanaa yareeynta faqriga iyo sare u qaadidda wax soo saarka wadanka waxaa ka qeyb qaatay saraakiil ka socday wasaaradda qorsheynta iskaashiga kaluumiysiga khayraadka bankiga hormarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya” ayuu yiri agaasimaha bankiga horumarinta.
Wasiir ku xigeenka kuluumaysiga khayraadka badda Mudane Saciid Jaamac qaalib ayaa ugu bogaadiyay shaqaalaha tababarka ka faa iidestay waxuuna ugu baaqay in ay uga faa’iideyaan walalohooda aan fursadda u halin in ay qaataan simaanrkani.
“Waxaan filayaan inta uu socday tabaarkani inaan ka faa’ideysateen waxana la idnka rabaa ina uga faa iideysaan walahiihana kale aan nasiib ka u halen inaay helaan siminaarkani ka wasaarad ahaan waxaan balan qaadayaa inaam la shaqeeyno bankiga oo ah dhiiri galinta wax soo saarka wadanka sida kaluunka beeraha xoolaha kuwaasi oo ah hormarinta hadii ay hay’adaasi dalka wax wayn u qaban kara” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.