Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta shirJaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay Arrimo la xiriira waxqabadda Wasaaradda Warfaafinta tan iyo markii uu xilka wasaradda la wareegay iyo guud ahaan habsami u socodka hanaanka siyaasadeed ee dowladda halka uu marayo
Wasiirka ayaa ka hadlay Horumarka Ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen Howlgallada kooxda shabaab ay uga saareen deegaanno badan oo ay horay u Maamuli jireen, horumarka siyaasadda Dowladda, hanaanka shaqo ee Wasaaradda warfaafinta , sharciga Saxaafadda oo Baarlamaanka Horyalla Qorshaha Dalxiiska, Arrimaha Mooshinka Madaxweynaha oo ay Qaar ka mid ah Barlamaanka ay soo gudbiyeen iyo qodobo kale.
Wasiir Maareeye ayaa ugu horayntii ka hadlay Horumarka shaqo ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska uu ka sameeyay iyo Isbadalka Shaqada waaxyaha Warbaahinta .Cod
“6 Bil Kaddib Wasaradda Warfaafinta waxa ay sameysay Horumarro la taaban karo kaas oo ay ka mid yihiin in la sameeyo nidaam kala haga mamulka iyo Sjhaqalaha”
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan Bixinta Mushaaraadka Ciidamada iyo Shaqaalaha kale ee Dowladda waxa uuna intaa raaciyay in Dowladda Federaalka ay ka Baxday dib u dhacyadii laga dhaxlay Khilaafyadii Siyaasadeed ee dalka soo maray kaas oo sababi jiray Hoos u dhaqa Dhaqaalaha sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Maareeye.cod
“Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda waxaa loo sameeyay nidaam lagu bixiyo mushaaradkas dhaqalaha dowladda waa mid iminka soo hagaagaya Horumar wayn ayaa laga gaaray dhaqaalaha dowladda”
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xasan “Beekoos” ayaa isaga oo ka hadlayay shirka jaraa’iid waxaa su’aal laga weydiiyay Arrimaha dalxiiska Qorshaha Dowladda uga dagsan waxa uuna sheegay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay Nidaam lagu Horumarinayo Dalxiiska Soomaaliya dajisay. Cod
Si doo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa shaaciyay in Dhawaan Wasaaradda ay furi doonto Machad lagu Tababari doono Shaqaalaha ka Shaqeeya Hoteellada ku yaalla dalka kaas oo wax badan ku soo kordhin doona qorshaha lagu Horumarinayo dalxiiska.
Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa ka mid ah Wasaradaha Dowladda ku wooda ugu shaqada Badan islamarkaana Umadda Soomaliyeed u haya Howl adag.
Sawiqaade Farxaan Suleeymaan Daahir