Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Mareykanka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Mareykanka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Mareykanka taasoo ay hogaamineysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasinka Siyaasada ee aqalka sare wakiilada, arrimaha adeega Ciidamada.

Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirkiisa Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, waxaana looga hadlay arrimo khuseeya amniga dalka, gaar ahaana qorshaha ay dowladdu wado ee isku dhafka Ciidamada dowladda, iyo tababaristooda.

Related posts

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii tayo kordhin loogu sameyn lahaa shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga, si loo helo shaqaale rayid isla markaana aqoon leh oo ka shaqeeya Wasaaraddan, waxayna dhanka kale balan qaadeen inay taageero ka geysan doonaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta taliska Xooga dalka iyo Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Mareykanka taakulada ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto taageero dhanka dhismaha, tayayenta iyo qalabeynta ciidamada.

“Qorshaha isku dhafka ciidamada xoogga dalka heer fiican ayuu marayaa, waxaana haatan tababaro uga soconayaan xeryo kala duwan oo ku yaala gobolada dalka, waxaana rajeyneynaa in qorshahani guuleysto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cadirashiid Sharmarke.

unnamed (1) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Midowga Afrika oo cambaareeyay weerar lagu qaaday xarun AMISOM ay ku lahaayeen Janaale

Next Post
Danjire Sidikou oo ka hadlay guulaha ay sida wada jirka ah u gaareen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka

Midowga Afrika oo cambaareeyay weerar lagu qaaday xarun AMISOM ay ku lahaayeen Janaale

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

August 10, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 10 Agoosto 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In