Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku nool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabisalaad Hadliye CUmar ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska. Isagoo uga warbixiyay xaaladda waddanka ka jirta.

Hadal uu u jeediyay jaaliyadda ayuu wasiirku kula dardaarmay dadka Soomalida ah inay iska ilaaliyaan dadka siyaasiyiinta ah ee doonaya inay kala fogeeyaan bulshada isla markaana khilaaf dhexdooda dhigaan dadka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dadaallada dowlad-dhisidda ee ay waddo xukuumadda, ayadoo maamulka lagu baahinayo waddanka, isla markaana kooxaha argagixisada ah laga saarayo goobaha ay dalka uga sugan yihiin si dadku ay nabad u helaan.

“Dagaalka lala dagaalamayo argagixisadu wuu soo dhammaan rabaa, dhibaatadu waa soo yaraaneysaa, argagixisada aan la dagaallamayno milatari uun loogama badin karo, waa in dhaqaale la sameeyo, oo dadku midoobaan” ayuu yiri wasiir Hadliye oo ugu baaqay dhallinyarada ay khaldayaan kooxahani inay ka soo laabtaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka arrimaha dibadda ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay maalgashadaan dalkooda, oo laga faa’iidaysto kheyraadka dalku leeyahay sida beeraha, xoolaha iyo kalluunkaba.

“Ma doonayno in mucaawino uun nala siiyo, caalamka waqti badan ayay na soo kaalmeeyeen waana u mahad celinaynaa, waxaanse u baahannahay inaan wax qabsano oo aan maalgashano waddankeena” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Qunsulka Soomaaliyeed ee magaalada Cadan oo ka digay in argagixisada Yemen ay dalkeena soo galaan

Next Post
Qunsulka Soomaaliyeed ee magaalada Cadan oo ka digay in argagixisada Yemen ay dalkeena soo galaan

Qunsulka Soomaaliyeed ee magaalada Cadan oo ka digay in argagixisada Yemen ay dalkeena soo galaan

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In