Sunday, November 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku nool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabisalaad Hadliye CUmar ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska. Isagoo uga warbixiyay xaaladda waddanka ka jirta.

Hadal uu u jeediyay jaaliyadda ayuu wasiirku kula dardaarmay dadka Soomalida ah inay iska ilaaliyaan dadka siyaasiyiinta ah ee doonaya inay kala fogeeyaan bulshada isla markaana khilaaf dhexdooda dhigaan dadka.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dadaallada dowlad-dhisidda ee ay waddo xukuumadda, ayadoo maamulka lagu baahinayo waddanka, isla markaana kooxaha argagixisada ah laga saarayo goobaha ay dalka uga sugan yihiin si dadku ay nabad u helaan.

“Dagaalka lala dagaalamayo argagixisadu wuu soo dhammaan rabaa, dhibaatadu waa soo yaraaneysaa, argagixisada aan la dagaallamayno milatari uun loogama badin karo, waa in dhaqaale la sameeyo, oo dadku midoobaan” ayuu yiri wasiir Hadliye oo ugu baaqay dhallinyarada ay khaldayaan kooxahani inay ka soo laabtaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka arrimaha dibadda ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay maalgashadaan dalkooda, oo laga faa’iidaysto kheyraadka dalku leeyahay sida beeraha, xoolaha iyo kalluunkaba.

“Ma doonayno in mucaawino uun nala siiyo, caalamka waqti badan ayay na soo kaalmeeyeen waana u mahad celinaynaa, waxaanse u baahannahay inaan wax qabsano oo aan maalgashano waddankeena” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Qunsulka Soomaaliyeed ee magaalada Cadan oo ka digay in argagixisada Yemen ay dalkeena soo galaan

Next Post
Qunsulka Soomaaliyeed ee magaalada Cadan oo ka digay in argagixisada Yemen ay dalkeena soo galaan

Qunsulka Soomaaliyeed ee magaalada Cadan oo ka digay in argagixisada Yemen ay dalkeena soo galaan

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar,...

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka howlgala degmada Mahadaay ayaa saakay howlgal qorsheysan ku dilay, horjoogihii Khawaarijta...

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):- Guddiga is diiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa maanta si rasmi ah uga hawl bilaabay degmada Waajid ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In