Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay go’aankii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday ee ahaa in ay bilaabeyso howlihii diblomaasiyaddii ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykankan, iyadoo tani ay ka dambeysay markii 5-tii May ee sanadkan uu booqasho rasmi ah Muqdisho ku yimid Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John F. Kerry.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Madaxda Qaranka iyo shacabka waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka dowladda Mareykanka ay ugu jirto inay soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo qorshaha Mareykanku uu yahay in safaaradooda ay dib uga furtaan gudaha caasimadda, si ay ugu adeegaan gudaha dalka.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka ay qaadatay dowlada Mareykanka  ee ah in howlaha diblomaasiyadeed ay ka bilaabeyso caasimadda, taasi oo xoojin karta xiriirka labada dal, waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa qorshaha Madaxweyaha Mareykanka Barack Obama uu ku doonayo in safiir cusub uu u soo magacaabo Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xeer Ilaaliyaha Guud “Hay’adaha dowladda sanquud lacageed kama furan karaan bankiyada gaarka loo leeyahay” Dhageyso

Next Post
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)

Xeer Ilaaliyaha Guud “Hay’adaha dowladda sanquud lacageed kama furan karaan bankiyada gaarka loo leeyahay” Dhageyso

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In