Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa kormeeraya Deegaanno hoostaga gobolkaas si ay u qiimeeyaan baahida bulshada ee dhinacyada Ammaanka iyo Caafimaadka.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Aweys Cali Saciid ayaa sharraxaad ka bixiyay waxa uu ku saabsan yahay kormeerka ay ku tagayaan dagmadda Bandiiradley iyo deegaannada kale.
“ Waxaan rabnaa inaan oganno Xaaladda degmada Bandhiiradlay maamulka hadda jirana waxaan rabnaa inaan wax ka badalno isla markaana aanu dar-dar galino Howlaha Horumarka Degmadaas” ayuu yiri guddoomiye Aweys Cali Saciid.
Muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug waxaa ka socday howllo lagu hubinayo xaaladaha ka jira halkaas kuwaas oo ay wadeen maamulka Gobolka oo kaashanya Madaxda Dowlad gobolleedka galmudug.