Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 28, 2015
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan oo maanta xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay waxqabadka wasaaradda todobadii bilood ee ay xafiiska joogeen isaga iyo wasiirka wasaaradaas Axmed Xasan Gaboobe.

Mr Carmaan ayaa waxaa uu sharaxay dadaalada wasaaradu ku bixisay kobcinta iyo garab istaaga beeraleyda sidoo kale wax ka qabashada fatahaadaha gobolada qaar ka dhaca xiliyada roobka taas oo uu sheegay in hadda kadib aysan dhici doonin sida qorshuhu yahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Ku simaha wasiirka ayaa waxaa uu xusay in wasaaradu ay talaabo horay u qaaday todobadii bilood hadana qorshaha dhaw ee wasaarada uu yahay in dib u dhis lagu sameeyo xaruntii wasaaradda beeraha iyo xarumo kale sidoo kalena la tayeeyo shaqaalaha wasaaradda.

“Waxa ugu horeeya ee hadda noo qorsheysan waxaa waaye in xaruntii wasaaradda aan dayactirno si wasaaradu ugu shaqeyso waayo hadda ciriiri ayaan ku shaqeynaa ani ahaan gadaal ayaan ka riixaa arintaas dowladda  Imaaraadka ayaa noo balan qaaday in ay noo dhiseyso” ayuu yiri wasiirka .

Cabdicasiis Saalax Carmaan wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha ayaa dhanka kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay jiraan ENG-yo gacanta kula jira shaqada wasaarada ee la xiriira dhanka beeraha waxaana uu baaq ah in ay ka waantoobaan u diray hay’adahaas.

“Runtii waxaa jira ENG-yo shaqadii wasaarada faraha kula jira dhowr jeerna waan uga dignay in ay joojiyaan shaqadaas hadda waxaan anoo ka faa,iideysanaya fursadaan baaq dheer ku leeyahay ka waantooba howshaas oo iska soo diiwaan galiya wasaaradda”ayuu yiri Carmaan.

Wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahayd xili wasaaradaha ugu wax soo saarka badan dalka xarumo badana ku lahayd dalka qaybo badan oo ka mid ah ayaa hadda ku shaqeysa xarunta wasaaradda Ganacsiga waxaana ay ka mid tahay wasaarado badan oo bur burkii saameeyay walina aan ka soo kabsan in kastoo dadaalku uu socdo.

Previous Post

Daawo Sawirada Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Maanta ka Furmay New York

Next Post

Deegaanno Hoostaga Gobolka Mudug Oo Abaar Baahsan Ay Ka Jirto “Sawirro”

Next Post
Deegaanno Hoostaga Gobolka Mudug Oo Abaar Baahsan Ay Ka Jirto “Sawirro”

Deegaanno Hoostaga Gobolka Mudug Oo Abaar Baahsan Ay Ka Jirto “Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In