Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Galmudug oo soo dhaweeyay shirkii wadatashiga “Shir-jaraa’id+Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo soo dhaweeyay shirkii wadatashiga “Shir-jaraa’id+Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.oo shir Jaraa’id qabtay ayaa soo dhaweeyay shirkii madasha wadatashiga ee shalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in maamulka Galmudug uu soo dhaweeynayo go’aannada ka soo baxay shirkaasi, isagoo wax wanaagsan ku tilmaamay in talada dib loogu soo celiyo shacabka Soomaaliyeed,

“Haddaan nahay maamul goboleedka Galmudug runtii aad iyo aadaan usoo dhaweeyneynaa taladaasi, madaxdii noo meteleysana runtii aad iyo aadeey u mahadsanyihiin iyo dhamaan madaxda Soomaaliyeed ee dhan, waxaana leenahay waa tallaabo aad u fiican oo hore loo qaaday” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ayaa soo hadalqaaday waxqabadka maamulka Galmudug muddada sadexda bilood ah ee uu jiray, wuxuuna xusay in maamulku ku tallaabsaday horumarro kala duwan oo amnigu ugu horeeyo.

“Waxaad la socotaan in ciidamadeenu ay dib u soo celiyeen deegaanno badan sida deegaanka Camaaro,  deegaanka Bacaadweyn oo dib looga celiyay kuwii nabad diidka iyo deegaanka Wabxo oo shalay laga sifeeyay Cadowga, iyadoo howlgalkaasi fuliyeen ciidamada dowlada kuwa AMISOM iyo ciidamada Galmudug oo iskaashanaya” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/10/COD-Shir-Jaraaid-Madaxweyne-Ku-Xigeenka-Galmudug.mp3
Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Sanadka cusub ee Hijriga iyo Fadaa’isha Bisha Muxaram-Sh Bashiir Axmed Salaad

Next Post
Sanadka cusub ee Hijriga iyo Fadaa’isha Bisha Muxaram-Sh Bashiir Axmed Salaad

Sanadka cusub ee Hijriga iyo Fadaa’isha Bisha Muxaram-Sh Bashiir Axmed Salaad

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

November 3, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka...

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In