R/wasaarihii hore ee Isra’iil Ehud Barak ayaa dacwad looga soo oogay wadnanka Maraykanka, taasoo la xariirta xasuuqii ay ciidamada Isra’iil u geysteen dadkii la socday Doonyihii gargaarka u siday Gaza, sanadkii 2010.
Dacwadan waxaa wada Qareennada u doodaya qoyska wiil 19 sano jir ah oo ka mid ahaa 9-kii qof ee ku dhintay weerarkii ciidamada Isra’iil ay ku qaadeen Maraakiibtii iyo Doonyihii la baxay (Freedom Flotilla) oo dhamaadkii bishii May 2010-kii gargaar 10 kun oo Tan ah u waday magaalada Gaza oo ay xilligaas go’adoomisay Isra’iil.
Qoyska dacwaddan wada ayuu ka soo jeedaa wiilkaasi oo heystay dhalashada Maraykanka balse asal ahaan u dhashay wadanka Turkiga.
Ehud Barak ayaa xiligaasi ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee Isra’iil, waxaan si weyn loogu cambaareeyey weerarkaasi lagu dilay dadkaasi gargaarka u waday shacabka Falastiin ee ku go’adoonsanaa Marinka Gaza.