Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka SH/Hoose oo ka hadlay diyaarad ku dhacday duleedka Afgooye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha diyaaraddii Ku soo Dhacday Carbiska oo loo duulinayo dalkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad maanta duhurkii ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo loo diray ciidamada amniga ee dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in ay tahay markii labaad oo ay diyaarad ku dhacdo gobolka, waxaana uu intaa ku daray inay wadaan baaritaanno ku aadan sida ay ku ogaan lahaayeen waxa ay ahayd diyaaradda dhacday, isla markaana ay goobta u direen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM si ay ula wareegaan amniga, maadaama ay goobta ka agdhawyihiin maleeshiyada Al-shabaab.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026

“Waa sax diyaaradii labaad ayaa ku soo dhacday tuulo hoostagta Afgooye, meel 9km dhanka galbeed uga beegan magaalada Afgooye, baaritaan ayaa inoo socda oo aan ku ogaaneyno cidda iska leh iyo waxa ay ahayd, jidka tooro toorow iyo Afgooye isku xira ayay ku soo dhacday” ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur Sidii

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga diyaaradda ay dhaceysay ay roobab xoogan ka da’ayeen tuulada ay ku dhacday, lamana oga inay cimilada oo xun awgeed ay u dhacday diyaarada iyo in kale.

 

Previous Post

Ku simaha madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha hey’adda ICRC

Next Post

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo soo geba gabeeyay booqashadii Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo soo geba gabeeyay booqashadii Sacuudiga  “SAWIRRO”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo soo geba gabeeyay booqashadii Sacuudiga "SAWIRRO"

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In