Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lixdii aroornimo ee saaka ka dhacay iridka hore ee hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kaddib la maqlay is rasaaseyn dhex martay ilaalada hoteelka iyo malleeshiyaad doonayay ineey xoog ku galaan hoteelka.
Wararka an heleyno ayaa tilmaamaya in meleeshiyaadkii hubeysnaa ay gudaha u galeen hoteelka haddana ay xabaddu ka socoto qeybo ka mid ah dhismaha hoteelkaasi.
Ciidamada nabadsugidda ayaa usoo gurmaday ilaaladii hoteelka, iyadoo xilligan la maqlayo rasaas ka dhacaysa gudaha hoteelkaasi.
Lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkaasi, inkastoo uu socdo gurmad xoog leh oo la doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka ku jira gudaha hoteelkaasi.
Wixii ku soo kardha ee war ah halkan kala soco