Inta la ogyahay weerarkii argagixiso ee saaka lagu qaaday hotelka Saxafi waxaa ku geeriyooday mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Allaha u naxarisstee Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Dhegabadan, iyo C/rshiid Shire Il-qeyte oo ah milkiilihii hoteelka la weeraray ee Saxafi.
Dhinaca kale ciidamada ayaa soo badbaadiyay taliyihii hore ee ciidamada lugta ee XDS Jeneraal Cali Caraaye Cosoble “Gacma dulle” iyo mas’uuliyiin kale, waxeyna ciidamadu wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan amniga Hoteelka.
Wariye C/casiis Africa oo ka mid ah wariyaasha ku sugan hoteelka ayaa ku soo waramaya in la soo afjaray howlgalka, isagoo xusay iney ciidamadu ay baaritaano ka wadaan hoteelka.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga wariye C/casiis Africa oo ku sugan hotelka Saqxafi