Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan ka baabi’ino Al Shabaab’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan ka baabi’ino Al Shabaab’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa cambaareeyay  weerarkii argagixisada Alshabaab ku qaadeen  hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku laayeen mas’uuliyiin dowladeed iyo dad rayid ah.

War saxafadeed uu soo saaray ayuu madaxweynuhu ku yiri “  Waan cambaareyneynaa weerarkan, marnaba kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan gebi ahaanba ka baabi’inno Alshabaab”

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan eheladii ay ka geeryoodeen mas’uuliyiiintii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku geeryooday weerarkii aragagixisada Alshabaab ku qaadeen Hotel Saxafi.

Madaxweynaha ayaa war saxaafadeedkiisa ku yiri” Waxaan idin xaqiijinayaa in falalkan aysan ka dhigneyn Al Shabaab oo dib madaxa ula soo kaceysa. Balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaalad quus ah oo soo wajahdey Al Shabaab, taas oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordheysa.Waxa xaqiiq ah in kala qeybsanaan weyn uu dhexdooda ku jiro. Ma ahan kuwo war u haya waxa ay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan toona, iyagoo maciin biday inay dilaan Muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay ku soo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka”.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in ciidammada ammaanku ay hadda si buuxda xaaladda ugu hayaan, lana sameyn doono baaritaannno qoto dheer oo la xiriira sida ay wax u dheceen iyo sida loo horumarin karo habka ay ciidammada ammaanku uga jawaab celinayaan falalka noocan oo kale ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii aragagixisadu ku laayeen weerarkii dhacay, isagoo caafimaad qab deg deg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweynuhu sheegay in ammaanku yahay muhimmadda koowaad ee dowladda.

 

Previous Post

Wasiir Odawaa: “Guddiga farsamada waxaa si siman loogu qeybiyay dhamaan beelaha dega labada gobol”

Next Post

Daawo Sawirrada: Sida ay ciidamadu u soo badbaadiyeen dadkii degganaa hotelka Saxafi

Next Post
Daawo Sawirrada: Sida ay ciidamadu u soo badbaadiyeen dadkii degganaa hotelka Saxafi

Daawo Sawirrada: Sida ay ciidamadu u soo badbaadiyeen dadkii degganaa hotelka Saxafi

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In