01 November 2015 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisadu ka fuliyeen Hoteelka Saxafi.
Madaxweyne Guuleed ayaa yiri “Innaa lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, dhamaan intii ku geeriyootay falkii argagaxisada ee Hotel Saxafi waxaan EEBBE uga baryaynaa inuu Jannadii fardowsa ka waraabiyo, Inta dhaawaca ahna EEBBE u fududeeyo dhaawacooda. Falalka argagaxisada ah waa mid lagu dhantaalayo horumarka dalka isla markaasna lagu bahdilayo diinteena suuban ee Islaamka”.
Madaxweynaha GalMudug ayaa sheegay in shaqsiyaad muhiim u ah dalka Soomaaliya ay halkaas naftooda ku waayeen, wuxuuna si gaar ah u xusay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, Ganacsade Cabdirashiid Shire Ilqeyte iyo Abaaduulihii hore ee XDS Cabdikariin Yuusuf Aaden dowrki ay ku lahaayeen dhismaha Dowlad Goboleedka GalMudug, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxay naga wada istaahilaan inaan doorkooda xusno, falka noocaan oo kale ahna wuxuu nagu sii dhiirageliyaa inaanu sii laba jibaarno dadaalki ay wadeen ee ku aadanaa samata bixinta iyo dib u dhiska dalkeena”.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyey “Dagaalka lagu sifeynayo argagaxisada waa in la sii xoojiyo, isla markaana Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo ciidamada AMISOM ay xooga wada saaraan sidii loo cirib tiri lahaa argagaxisada. Haddii aan argagaxisada laga ciribtirin dalka waxey ku dhiiranayaan falalka noocaan oo kale ah. Dowladda GalMudug iyadoo kaashaneysa Dowlada Dhexe iyo Beesha caalamka waxaa ka go’an in ay deegaanadeeda ka cirib tirto argagaxisada”.