Magaalada Kigali ee Caasimadda dalka Ruwanda waxaa ka socdsa Shirka Ciidamada Boliiska Caalmiga ee Interpol, Waxaana Soomaaliya shirkaas uga qeybgalaya Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas ย Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Saraakiil kale.
Shirkani oo ah shir muhiim ah oo looga hadlayo Boliiska Caalamka ayaa waxaa ka soo bixi doona qodobo muhiim u ah howlaha Ciidanka Boliiska.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas ย Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada Boliiska Soomaaliyeed iyo baahiyaha ay qabaan.