Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada ee joogtada ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada ee joogtada ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, November 5, 2015——Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulanka looga hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan guddiga gurmadka Abaaraha oo howshiisii u kuurgalista iyo xog uruurinta weli ka sii wada gobolada dalka ee looga cabsi qabo inay waxyeeleyso fatahaadaha iyo roobabka EL NINO iyo sidoo kale, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan Wasiirada oo safari shaqo ku tagay dalal dibedda ah.

Kulankan ayaa sidoo kale, warbixin dheer looga dhegeystay Wasiirka caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed, waxayna soo bandhigtay warbixino la xiriira waxqabadka wasaaradda, iyo qorshe ku aadan hagaajinta xiriirka Wasaaradda iyo hay’addaha ku shaqada leh caafimaadka ee hoostaga Q/midoobay, waxayna tilmaantay in howlgalo ballaaran oo bani’aadanimo ay ku soo foodleedahay Wasaaradda ayna ku jiraan xaalad diyaar garow ah.
Marwo Xaawo ayaa sidoo kale waxay ka warbixisay mashaariic ay hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka, iyo ballanqaadyo ay ka heshay dowladdo iyo hay’addo, kuwaasoo ku aadan taakuleyn caafimaad, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay dowladdo ay xiriir la sameysay Wasaaradda.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay xubno ka tirsan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo caafimaadka oo socdaalo xog uruurin ah ku tagay qeybo ka mid ah gobolada dalka, waxayna tilmaameen in dadka iyo duunyadaba ay halis badan ugu jiraan inay waxyeelo xoogan u geystaan Fatahaadaha iyo toobabka la filayo, waxayna ku taliyeen in la helo raashin iyo agab kale oo lagu gargaaro dadkaasi, haddii ay damcaan inay ka fogaadaan degaanadooda iyo beerahooda, iyo weliba qorshe ka dambeeya haddii Fatahaaduhu dhacaan.

—Dhammaad—–

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ganaax ah ku ridday dad ajaanib ah

Next Post
Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Puntland Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Eedeysanayaal

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ganaax ah ku ridday dad ajaanib ah

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In